Dr Feisal Habeysane

Dr Feisal Habeysane Bogaan waxaad kala socon doonta Dhamaan mowduuc yada quseeya Caafimaadka iyo wacyi gelinta bulshadda

๐’๐ข๐๐ž๐ž๐ง ๐ฎ ๐ข๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง ๐ค๐š๐ซ๐š๐š ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š๐ฒ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐ช๐š๐›๐จ ๐ฌ๐จ๐ง๐ค๐จ๐ซ๐จ๐ฐ?Haddii aad qabto sonkorow, waxaad leedahay Dhakhtarkaaga ...
02/04/2026

๐’๐ข๐๐ž๐ž๐ง ๐ฎ ๐ข๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง ๐ค๐š๐ซ๐š๐š ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š๐ฒ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐ช๐š๐›๐จ ๐ฌ๐จ๐ง๐ค๐จ๐ซ๐จ๐ฐ?

Haddii aad qabto sonkorow, waxaad leedahay Dhakhtarkaaga cudurada guud ama Dhakhtarka taqasusiga ee sokorta iyo Wadnaha(Endocrinologist/Cardiologist). Laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo aad sameyn karto si aad khatartaas u yareyso markastana laxariirto dhakhtarkaga si uu raaco hab sahlan ee uu ku ilaalinkaro in xanuna kale soo kordhaan.

"๐‘ฒ๐’‚๐’‰๐’๐’“๐’•๐’‚๐’ˆ๐’– ๐’˜๐’–๐’™๐’–๐’– ๐’Œ๐’‚ ๐’˜๐’‚๐’๐’‚๐’ˆ๐’”๐’‚๐’ ๐’š๐’‚๐’‰๐’‚๐’š ๐‘ซ๐’‚๐’‚๐’˜๐’†๐’š๐’๐’•๐’‚"

Hab sahlan oo lagu xasuusto sida loo daryeelo caafimaadka waa inaad xasuusato โ€œABCโ€:

โ— โ€œAโ€ waa A1C

A1C waa baaritaan dhiig ah oo muujinaya celceliska heerka sonkorta dhiiggaaga 2โ€“3 bilood ee la soo dhaafay.

โ— โ€œBโ€ waa Cadaadiska Dhiigga (Blood Pressure)

Xakamaynta cadaadiska dhiigga waa muhiim sida xakamaynta sonkorta. Cadaadis dhiig oo sareeya wuxuu kordhiyaa khatarta wadne-qabad, istaroog, iyo cudurka kelyaha.

โ— โ€œCโ€ waa Kolestarool (Cholesterol)

Kolestaroolku waa walax ku jirta dhiigga. Haddii uu sareeyo, wuxuu kordhiyaa khatarta wadne-qabad, istaroog, iyo dhibaatooyin kale oo halis ah.

๐‘ด๐’‚๐’™๐’‚๐’š ๐‘จ๐‘ฉ๐‘ช-๐’š๐’‚๐’…๐’– ๐’Ž๐’–๐’‰๐’Š๐’Š๐’Ž ๐’– ๐’š๐’Š๐’‰๐’Š๐’Š๐’?

Marka loo eego dadka aan qabin sonkorow:

Dadka qaba sonkorow waxay 2โ€“3 jeer uga badan yihiin inay ku dhacaan wadne-qabad ama Faalig (Stroke).
Waxay ku dhici karaan wadne-qabad iyagoo daโ€™ yar, wuxuuna noqon karaa mid sii kordho.
Waxay sidoo kale halis sare ugu jiraan cudurrada kelyaha.

๐Ÿ‘‰ Marka aad si fiican u maamusho ABC-yadaada, waxaad si weyn u yareyn kartaa khatarahan.

๐‘ด๐’‚ ๐’”๐’๐’๐’Œ๐’๐’“๐’•๐’‚ ๐’…๐’‰๐’Š๐’Š๐’ˆ๐’ˆ๐’‚ ๐’‚๐’š๐’‚๐’‚ ๐’–๐’ˆ๐’– ๐’Ž๐’–๐’‰๐’Š๐’Š๐’Ž๐’”๐’‚๐’?

Haa, xakamaynta sonkorta dhiigga waa muhiim si looga hortago:

Cudurrada indhaha (aragti lumis ama indho-laโ€™aan)
Cudurka kelyaha
Dhaawaca neerfaha (neuropathy)
Goynta xubnaha (sida faraha ama cagaha) / Diabetic foot

Laakiin waa muhiim inaad ogaato:
๐Ÿ‘‰ Cadaadiska dhiigga iyo kolestaroolka oo sarreeya mararka qaar waxay keeni karaan dhibaatooyin ka halis badan sonkorta oo keliya.

๐‘ฏ๐’†๐’†๐’“๐’‚๐’“๐’Œ๐’‚๐’š๐’ˆ๐’‚ ๐‘จ๐‘ฉ๐‘ช ๐’Ž๐’‚๐’™๐’‚๐’š ๐’๐’๐’’๐’๐’๐’‚๐’š๐’‚๐’‚๐’?

Tani waxay ku xirnaan doontaa xaaladdaada gaarka ah. La hadal dhakhtarkaaga.

Laakiin guud ahaan, dadka badan waxay bartilmaameedsadaan:

A1C: ka hooseeya 7%
Cadaadiska dhiigga: ka hooseeya 130/80
LDL (kolestaroolka xun): ka hooseeya 100
Sideen u maamuli karaa ABC-yadayda?
โ— Daawooyin
Dadka badankood waxay qaataan daawooyin maalin kasta
Qaar ka mid ah daawooyinka waxay sidoo kale ka hortagaan wadne-qabad iyo dhaawaca kelyaha
Haddii aad dhibaato ka qabto daawooyinka (sida qiimaha ama saameynta), la hadal dhakhtarkaaga
โ— La imaaw Isbeddel dhanka noloshaadda(sidixa cuntada, jimicsi)

๐‘ฏ๐’†๐’†๐’“๐’‚๐’“๐’Œ๐’‚๐’š๐’ˆ๐’‚ ๐‘จ๐‘ฉ๐‘ช ๐’Ž๐’‚๐’™๐’‚๐’š ๐’๐’๐’’๐’๐‘พ๐’‚๐’™๐’š๐’‚๐’‚๐’ƒ๐’‚๐’‰๐’‚ ๐’‚๐’‚๐’… ๐’Ž๐’‚๐’‚๐’๐’Š๐’ ๐’Œ๐’‚๐’”๐’•๐’‚ ๐’”๐’‚๐’Ž๐’†๐’š๐’”๐’ ๐’˜๐’‚๐’™๐’‚๐’š ๐’”๐’Š ๐’˜๐’†๐’š๐’ ๐’– ๐’”๐’‚๐’‚๐’Ž๐’†๐’†๐’š๐’‚๐’‚๐’ ๐’„๐’‚๐’‚๐’‡๐’Š๐’Ž๐’‚๐’‚๐’…๐’Œ๐’‚๐’‚๐’ˆ๐’‚:๐’๐’‚๐’š๐’‚๐’‚๐’?

-Cunto caafimaad leh (kusalee cunistada Diabetic plate)
-Diabetic plate (Half saxanka kadhig Qudaar. Halfka kale laba meelod hal meel kadhig cunada tabarta laga helo carbohydrate, Inta soo hartayna cuno burutiin leh )
-Cun khudaar, miro, badar dhan, iyo caano dufan yar leh
-Ka fogow cunnooyinka shiilan iyo dufanka badan
-Jimicsi samee (150 daqiiqo isbuuci ugu yaraan )
-Isku day 20 ilaa 30 daqiiqo maalintii Inaa jimicsato
-Socodka fudud xitaa waa faaโ€™iido
-Jooji sigaarka
-Sigaarku wuxuu kordhiyaa halista wadne-qabad iyo kansar sambabadda.
-Miisaanka dhimo haddii uu bato
-Tani waxay yareyn kartaa khataro badan

Xigasho: Beyond and Basics (UpToDate)
Diyariye Dr, FeiSal D KaHie, MD

๐Ÿฉบ BAARISTA IYO KA HORTAGGA SONKOROWGA (DIABETES)Ma ogtahay?Sonkorowgu waa cudur daba-dheer oo saameeya sida jirku u isti...
21/03/2026

๐Ÿฉบ BAARISTA IYO KA HORTAGGA SONKOROWGA (DIABETES)

Ma ogtahay?
Sonkorowgu waa cudur daba-dheer oo saameeya sida jirku u isticmaalo sonkorta dhiigga (glucose).

โš ๏ธ CALAAMADAHA SONKOROWGA
- Harraad badan
- Kaadi badan
- Gaajo joogto ah
- Miisaan dhicid
- Daal badan
- Arag daciif ah

๐Ÿ”ฌ MUHIIMADDA BAARISTA

โœ” Baaritaan joogto ah wuxuu kaa caawinayaa ogaanshaha h**e
โœ” Ka hortag dhibaatooyinka sida kelyaha, wadnaha & aragga
โœ” La soco heerka sonkorta dhiiggaaga

๐Ÿ›ก๏ธ SIDEE LOOGA HORTAGAA?
- Cun cunto caafimaad leh ๐Ÿฅ—
- Samee jimicsi joogto ah ๐Ÿƒโ€โ™‚๏ธ
- Ka fogow sonkor badan ๐Ÿฌ
- Ilaali miisaankaaga โš–๏ธ

๐Ÿ’ก FARIIN MUHIIM AH

โ€œKa hortag ayaa ka fiican daaweyn โ€“ Baaritaan samee maanta!โ€

๐Ÿ“ž LA XIRIIR DHAKHTAR

Dr Feisal D Kahie
Physician
๐Ÿ“ฑ WhatsApp: +256706100676
๐Ÿ“ง Email: [email protected]

Address

Makka Al-Mukarama Road
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252614461413

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Feisal Habeysane posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dr Feisal Habeysane:

Shortcuts

Share