Somali Optometry Association - SOA

Somali Optometry Association - SOA This is the official page of the Somali Optometry Association - SOA

Ururka dhaqaatiirta indhaha ee Somali Optometry Association (SOA) wuxuu   si sharaf leh ugh qayb galay  shirkii caalamig...
10/06/2026

Ururka dhaqaatiirta indhaha ee Somali Optometry Association (SOA) wuxuu si sharaf leh ugh qayb galay shirkii caalamiga ahaa ee IAPB 2030 IN SIGHT LIVE, oo ka dhacay Nairobi, Kenya 4 June- 6 June 2026.

Ururka waxaa ku matalay Dr. Ahmed Mohamed Jafar, oo ka qayb qaatay kulamo iyo doodo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta caafimaadka indhaha, xoojinta adeegyada optometry-ga, iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu gaarsiinayo adeegyada daryeelka indhaha bulshada.

SOA waxa ka go’an inay sii wadaan horumarinta xirfadda optometry-ga iyo tayeynta caafimaadka indhaha ee Soomaaliya. World Health Organization (WHO)National Health Professional Council-NHPCWorld Council of OptometryVISION 2020/IAPB

Waxaa sharaf wayn noo ah  Ururka dhaqaatiirta  indhaha Somali Optometry Association - SOAS. Inaa ka qayb galno munaasaba...
21/05/2026

Waxaa sharaf wayn noo ah Ururka dhaqaatiirta indhaha Somali Optometry Association - SOAS. Inaa ka qayb galno munaasabadda Myopia awareness week ee la qabtay 20-ka May, taas oo ka dhacdey aden adde international university iyada oo ay kasoo qeyb galeen bahwadaagta muhiimka ah ee daryeelka indhaha
Sida CharityVision Somalia iyo Aden Adde International University-AAIU.

Munaasabadda waxaa looga hadlay:
🔹 Kororka myopia-da carruurta iyo dhalinyarada
🔹 Saameynta isticmaalka aaladaha elektarooniga ah
🔹xakamaynt , kororka iyo ka hortagga myopiayada
🔹 Muhiimadda ay leedahay in waqti h**e la sameeyo baaritaanada indhaha iyo joogtayntooda si looga hor tago marxalado badan oo keeni kara indho la,aan.

Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada iyo horumarinta caafimaadka indhaha ee Soomaaliya.
Ministry of Health- SomaliaSomali National Health Professionals Council - NHPCWorld Council of OptometryWorld Health Organization (WHO)

Waxaa sharaf wayn noo ah  Ururka dhaqaatiirta  indhaha Somali Optometry Association - SOA . Inaa ka qayb galno munaasaba...
15/05/2026

Waxaa sharaf wayn noo ah Ururka dhaqaatiirta indhaha Somali Optometry Association - SOA . Inaa ka qayb galno munaasabadda World Blindness Month ee la qabtay 14-ka May, taas oo ka dhacdey hospital yerdameli iyadoo ay kasoo qeyb galeen bahwadaagta muhiimka ah ee daryeelka indhaha sida Somali Ophthalmological Society Yerdimeli Hospital, Aden Adde International University-AAIU iyo CharityVision Somalia .

Munaasabadda waxaa qeyb ka ahaa dood cilmiyeed muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta xirfadlayaasha caafimaadka indhaha, kor u qaadista adeegyada daryeelka aragga, iyo wacyigelinta bulshada ee ka hortagga indho la’aanta iyo ilaalinta caafimaadka indhaha ee Soomaaliya.

Hambalyo Dr. Abdurahman Abdisamad oo maanta loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Ururka dhakhaatiirta indhaha Somali Optome...
01/05/2026

Hambalyo Dr. Abdurahman Abdisamad oo maanta loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Ururka dhakhaatiirta indhaha Somali Optometry Association - SOA.

Waxaan u rajeyneynaa hoggaan wanaagsan, horumar joogto ah, iyo in uu sii xoojiyo midnimada, tayeynta xirfadda Optometry-ga, iyo adeegyada daryeelka indhaha ee bulshada Soomaaliyeed.

World Council of Optometry Somali National Health Professionals Council - NHPC Ministry of Health- Somalia

Ururka Dhakhaatiirta Indhaha Soomaaliyeed Somali Optometry Association - SOA  wuxuu si sharaf leh uga qeyb galay munaasa...
28/04/2026

Ururka Dhakhaatiirta Indhaha Soomaaliyeed Somali Optometry Association - SOA wuxuu si sharaf leh uga qeyb galay munaasabadda Caafimaadka iyo Badqabka Indhaha Haweenka ee la qabtay 27 April 2026, taas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen CharityVision Somalia, Aden Adde International University, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Ministry of Health- Somalia.

Anagoo ah ururka SOA, waxaan aaminsanahay in ilaalinta aragga haweenka ay ka dhigan tahay ilaalinta qoysaska, bulshada, iyo mustaqbalka dalkeenna.

Ururka Somali Optometry Association - SOA wuxuu ku wargelinayaa dhammaan xubnaha in Doorashada Ururka (Election Day) la ...
09/04/2026

Ururka Somali Optometry Association - SOA wuxuu ku wargelinayaa dhammaan xubnaha in Doorashada Ururka (Election Day) la qaban doono:
📅 Taariikh: 01 May 2026.

Dhamaan xubnaha waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay ka soo qeyb galaan si ay u gutaan waajibaadkooda doorasho iyo horumarinta mustaqbalka ururka.

Ka soo qeybgal wanaagsan!

World Council of Optometry Ministry of Health- Somalia Somali National Health Professionals Council - NHPC

Waxaan ku jirnaa isbuuca wacyigalinta xanuunka indhaha e lo yaqaano Keratocunus. Munaasabadaan awadeed ururka dhakhaatii...
28/03/2026

Waxaan ku jirnaa isbuuca wacyigalinta xanuunka indhaha e lo yaqaano Keratocunus.

Munaasabadaan awadeed ururka dhakhaatiirta indhaha ee SOA wuxuu ka qeyb qaadan doonaa kulan aqoon kororsi iyo wacyigalin isugu jira.

Somali Optometry Association - SOA
CharityVision Somalia
World Council of Optometry
Ministry of Health- Somalia

Ururka dhakhaatiirta indhaha ee Somali Optometry Association - SOA isbuucaan wuxuu u dabaal dagayaa isbuuca Caalamiga ah...
22/03/2026

Ururka dhakhaatiirta indhaha ee Somali Optometry Association - SOA isbuucaan wuxuu u dabaal dagayaa isbuuca Caalamiga ah ee Optometry ga ayagoo kaashanaya World Council of Optometry , wuxuu neh kala shaqeynayaa dhakhaatiirta indhaha si loo muujiyo doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta iyo horumarinta aragga.
Laga bilaabo ogaanshaha h**e ee cudurrada indhaha ilaa bixinta adeegyada aasaasiga ah ee daryeelka indhaha, dhakhaatiirta indhaha waxay maalin kasta wax weyn ka beddelaan nolosha dadka.

Nagula soo biir dabaaldegga. 👁️🌍

Ministry of Health- Somalia African Council of Optometry World Health Organization (WHO) Somali National Health Professionals Council - NHPC

Ururka dhakhaatiirta indhaha Somaliyeed Somali Optometry Association - SOA wuxuu hambalyo diirran iyo ducaba  u dirayaa ...
19/03/2026

Ururka dhakhaatiirta indhaha Somaliyeed Somali Optometry Association - SOA wuxuu hambalyo diirran iyo ducaba u dirayaa dhammaan umadda muslimka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda barakeysan ee Fitriga awgeed.

Ciid Wanaagsan.

Bishaan Maarso, Ururka dhakhaatiirta indhaha ee Somali Optometry Association - SOA waxay xoogga saaraysaa wacyigelinta x...
02/03/2026

Bishaan Maarso, Ururka dhakhaatiirta indhaha ee Somali Optometry Association - SOA waxay xoogga saaraysaa wacyigelinta xanuunka biyaha indhaha ku furma ee loo yaqaan (glaucoma),sidoo kale dabaaldagga Isbuuca Optometry ga.

Nagu soo biir si aan u wacyigelinno, u barno bulshada muhiimadda ee leedahay labadaan dhacdo ee bishaan maarso, una hormarino adeegyada Caafimaadka indhaha ee dalkeena Somaliya.

Address

Waberi District
Mogadishu

Telephone

+252612782202

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Optometry Association - SOA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali Optometry Association - SOA:

Share