Dr. Ahmed Abdiqani Mohamed

Directions

Dr. Ahmed Abdiqani Mohamed I created this page to share my opinions, experiences, lessons, and perspectives from life. I warmly invite you to follow the page and join me on this journey.

Your support means a lot. Thank you for following, engaging, and being part of this community.

18/09/2026

Socodku waa mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyada ugu fudud, ugu jaban, uguna faa’iidada badan ee qofku u samayn karo caafimaadkiisa. Joogteynta socodka maalinlaha ah waxay ka qayb qaadataa xoojinta wadnaha, murqaha iyo lafaha, waxayna gacan ka geysan kartaa ilaalinta miisaanka iyo caafimaadka guud ee jirka.

Socodka joogtada ah wuxuu sidoo kale taageeraa caafimaadka maskaxda, wuxuuna yareyn karaa walbahaarka iyo dareenka daalka. Marka qofku si joogto ah u socdo, wuxuu jirkiisa siinayaa fursad uu ku sii ahaado mid firfircoon, taas oo muhiim u ah ilaalinta awoodda iyo madax-bannaanida qofka marka da’du korodho.

Gabowgu waa qayb dabiici ah oo nolosha ka mid ah, balse hab-nololeedka caafimaadka leh ayaa saameyn ku yeelan kara sida qofku u wajahayo da’da. Socod joogto ah, cunto dheellitiran, hurdo wanaagsan iyo ka fogaanshaha caadooyinka waxyeellada leh ayaa dhammaantood qayb ka ah nolol caafimaad leh.

Sidaas darteed, socodku ma aha oo keliya dhaqdhaqaaq jirka ah; waa maalgashi lagu sameynayo caafimaadka maanta iyo firfircoonida mustaqbalka. Qof kasta, haddii xaaladdiisa caafimaad u saamaxdo, wuxuu socodka ka dhigan karaa qayb joogto ah oo ka mid ah nolol maalmeedkiisa.

16/09/2026

Sayyid Qutb Ibrahim Husayn Shadhili wuxuu ahaa mufakir, qoraa iyo aqoonyahan Masri ah oo ka mid ahaa mufakiriintii Islaamiga ahaa ee sida weyn u saameeyay fikirka Islaamiga ah qarnigii 20-aad.

Qayb ka mid ah fikradihiisa muhiimka aadkana isoo jiitey waxaa kamid ah wuxuu ku sheegay in bani’aadamku horumar weyn ka sameeyay dhinaca maaddiga ah iyo farsamada, balse horumarkaasi uusan si la mid ah uga muuqan dhinaca qiyamka, akhlaaqda iyo hanuunka.

Sida uu Qutb u arkayay, bani’aadamku wuxuu u baahan yahay hoggaan iyo manhaj isku dara horumarka maaddiga ah iyo qiyamka ruuxiga iyo akhlaaqeed, si horumarka cilmiga iyo farsamadu ugu adeegaan bani’aadamka, halkii ay noqon lahaayeen awood aan lahayn jihayn qiyameed.

Waxyaabaha aan aragnay waxaa kamid ah in bini'adamku si kasta oo uu aqoon ugaaro haddi aysan jirin akhlaaq ku ilaalisa xayndaabka wanagsan in aqoontaas aanu sina oga fa'iideysan karin

Inta aan aqrinayay kitaabka sheekha eebe naxariistiisa haku manaystee waxaan kala kulmay waxyaba badan oo cajiib ah kuna Filan qacida nololeed.
معالم في الطريق

Qofka somaliga ah maxaa u ah khadh cas ama moral Value wali ma is weydiisey haddi ay haa tahay nagula wadaag qeybta hoose.

15/09/2026

Waa hordhaca mawduuc muhiim ahaa oo aanu ku Falanqayney badqabka maskaxada adanaha.

Cilmigu wuxuu u baahan yahay waqti, sabir, akhris joogto ah iyo in waxa aad barato aad dadka ugu faa'iideyso. Waxaa Sawi...
14/09/2026

Cilmigu wuxuu u baahan yahay waqti, sabir, akhris joogto ah iyo in waxa aad barato aad dadka ugu faa'iideyso.
Waxaa Sawirka igu Wehliyo Dr-Abdirizak Sh Hassan

Hoggaaminta iyo hogga-tuslaynta dhalinyaradu waxay qayb weyn ka qaadan doonaan horumarka iyo hiigsiga fog ee dalkeenna.D...
13/09/2026

Hoggaaminta iyo hogga-tuslaynta dhalinyaradu waxay qayb weyn ka qaadan doonaan horumarka iyo hiigsiga fog ee dalkeenna.

Dhalinyaradu waa awoodda maanta iyo rajada berri. Haddii loo abuuro fursado, loo dhiirrigeliyo aqoon iyo hal-abuur, lana siiyo hoggaan wanaagsan iyo tusaale ay ku daydaan, waxay horseedi karaan isbeddel waara iyo horumar dhab ah.

Waxaan umahadcelinayaa Dr ustaad Khaliif oo barnamijka soo Jedinayay.

13/09/2026

Dhalinyarada waa haldoorka iyo udub dhaxaadka bulsha walbo waxana lagama marmaan ah inan intii aan awoodno tusno awoododa si loo helo bulsha dhisan dhlinyara ahaan.

09/09/2026
Waxaa si rasmi ah loo qabanayaa bandhigga buugga Miro Jano, oo uu qoray Dr. Khaliif Hassan Hareed. Bandhiggu wuxuu fursa...
09/09/2026

Waxaa si rasmi ah loo qabanayaa bandhigga buugga Miro Jano, oo uu qoray Dr. Khaliif Hassan Hareed. Bandhiggu wuxuu fursad u noqonayaa akhristayaasha, aqoonyahannada iyo bulshada in ay wax badan ka ogaadaan buugga, fariintiisa iyo aragtida qoraaga.

📅 Taariikh: 11/9/2026
⏰ Waqtiga: 8:30 subaxnimo – 11:50 duhurnimo
📍 Goobta: Gedo International University (GIU), Beled-Hawo
Dhammaan dadka jecel akhriska iyo aqoonta waxaa lagu martiqaadayaa inay kasoo qaybgalaan.

07/09/2026

Waxay ahayd subax aad ucimila dagan jabaqa shinbirahana dhagahayaga ku dhacayeen.
Xays aan roob wayn ahayna aan ku dhax jiriney.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Ahmed Abdiqani Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share