SafeFood Somalia

SafeFood Somalia SafeFood Somalia Safeguards consumers from foodborne illnesses by promoting and implementing safe food practices across Somalia.

Through comprehensive training and ensuring compliance with all legal requirements, WE SECURE A HEALTHIER THRIVING FUTURE.

01/03/2026

“Cabista caanaha ee hurdada kahor”
Faaido mise dhibaato caafimaad?

Eng Mohamed Abdirahman


23/02/2026

Khatarta dib u isticmaalidda saliida

Eng mohamed Abdirahman



20/02/2026

“Qaab-kaydka saxan ee cuntooyinka”

Waxa ino so jeedinaya Eng Mohamed Abdirahma



Ramadaan Wanaagsan ehel iyo asxaab ✨🌙Bishan barakaysan, aan xoojino nadaafadda iyo badqabka cuntada si aan u dhowrno caa...
17/02/2026

Ramadaan Wanaagsan ehel iyo asxaab ✨🌙

Bishan barakaysan, aan xoojino nadaafadda iyo badqabka cuntada si aan u dhowrno caafimaadkeenna iyo kan qoysaskeenna.
Cun cunto nadiif ah, raac nadaafadda gacmaha, ilaali kaydinta saxda ah ee cuntada.

Cunto sugan, caafimaad sugan🥗



Waxaan magaalada Nairobi kaga qeybgalnay Bandhigga 25-aad ee Ganacsiga Bulshada Bariga Afrika (EAC MSMEs Trade Fair 2025...
18/11/2025

Waxaan magaalada Nairobi kaga qeybgalnay Bandhigga 25-aad ee Ganacsiga Bulshada Bariga Afrika (EAC MSMEs Trade Fair 2025) dhacdo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga ganacsi ee dalalka gobolka, laguna kobcinayo ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe (MSMEs).

Intii uu socday bandhigga, waxaa si gaar ah loo soo bandhigay wax-soo-saarka dalka Soomaaliyeed, iyadoo lagu muujiyay awoodda, hal-abuurka iyo tartanka badeecadaha maxalliga ah ee suuqyada gobolka.

Bandhiggan wuxuu noo ahaa fursad qaali ah oo aan ku xoojinay xiriirka ganacsi ee Bariga Afrika, annaga oo diiradda saaraynay:
• kor u qaadista cunto ammaan ah oo tayo leh,
• ka shaqaynta hormarinta warshadaha gudaha,
• iyo dhisidda iskaashi waara oo u adeegaya bulshada Soomaaliyeed iyo tan gobolka.

SafeFood Somalia waxaa ka go’an in ay qeyb ka qaadato horumarinta wax-soo-saarka dalka iyo hubinta in badeecadaha Soomaaliyeed ay buuxiyaan heerarka amniga iyo tayada cuntada ee caalamiga ah.



17/10/2025

Muuqaal soo koobaya sida ay noogu qabsoontay munaasabaddeeni shalay 🔆




16/10/2025

We ended World Food Day 2025 with a lively networking session — great talks, new connections, and shared inspiration for Somalia’s food future! 🤝🇸🇴🌾

Waxaa inoo soo idlaaday kulankeeni lagu xusayay Maalinta Cunnada Adduunka 2025 🎉🇸🇴Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan mart...
16/10/2025

Waxaa inoo soo idlaaday kulankeeni lagu xusayay Maalinta Cunnada Adduunka 2025 🎉🇸🇴

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan martida iyo ka qaybgalayaasha ka soo qeyb galay munaasabadda; oo sanadkan aan diiradda ku saarnay “mustaqbalka warshadaynta cunnada Soomaaliya”

Mahadsanidiin dhammaantiin taageeradiina iyo ka qeybqaadashadiina!
Wadajir ayaan ku dhiseynaa mustaqbalka cunnada iyo warshadaynta Soomaaliya.





Suuqyada waxaa yaalla canbo dibadda laga keenay oo muddo dheer yeeli kara, halka kii gudaha lagu soo saaray uu muddo gaa...
16/10/2025

Suuqyada waxaa yaalla canbo dibadda laga keenay oo muddo dheer yeeli kara, halka kii gudaha lagu soo saaray uu muddo gaaban ku dhammaado. Taas micnaheedu waa in tayada iyo farsamada kaydinta ay yihiin wax muhiim ah. Haddii aan xoogga saarno tiknoolajiyadda iyo habka processing-ka, wax-soo-saarka gudaha wuxuu noqon karaa mid la tartama kan la soo dhoofiyo.

Eng. Abdullahi Kadle
B.Sc, M.Sc Food Process Engineering
Co-Founder, Oog Dairy




Waxaa nasiib wanaag ah inaan shalay arkayay shirka hayaanka tamarta Soomaaliya oo ay martigelisay Hormuud. Waxaan aamins...
16/10/2025

Waxaa nasiib wanaag ah inaan shalay arkayay shirka hayaanka tamarta Soomaaliya oo ay martigelisay Hormuud. Waxaan aaminsanahay in hadda ay tahay waqtigii loo jihaysan lahaa tamarta, taas oo mudan bogaadin iyo taageero.

Siyaasadda dhismaha warshadaha waa inay ka timaadaa dowladda, taasoo fursad siinaysa in la helo saaxiibo na aamino oo maal-gashan kara warshadaheena. Wax nagu cusub ma aha; horay ayaan u samaynay, Oo dawladdi h**e ee kacaanka ayaa warshada badan sidaas ku hergelisay.

Dr. Abdullahi Osman Goyle
PHd In Chemical Engineering
Chairman of IRCC

Address

Hodan Banadir Street
Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 07:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SafeFood Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share