Hodan Hospital

Hodan Hospital Hodan Hospital is a Health Care Service Provider incorporated and registered in Somalia to offer affordable in and outpatient health care services in Somalia.

Prof. Dr. Fuad Amir ayaa dib ugu soo laabtay shaqada, isagoo berri fadhiisan doona OPD, kadib fasax gaaban oo uu ku maqn...
25/08/2026

Prof. Dr. Fuad Amir ayaa dib ugu soo laabtay shaqada, isagoo berri fadhiisan doona OPD, kadib fasax gaaban oo uu ku maqnaa.

Hodan Hospital

22/08/2026

Carruurtu waxay dib ugu laabteen iskuullada, waana muhiim in waalidiintu fiiro gaar ah u yeeshaan caafimaadka caruurta bilowga sannad-dugsiyeedka.


Isbuucaan waxaa dib loogu laabtay iskuullada, waana muhiim in waalidiintu hubiyaan caafimaadka carruurta bilowga sannad-...
22/08/2026

Isbuucaan waxaa dib loogu laabtay iskuullada, waana muhiim in waalidiintu hubiyaan caafimaadka carruurta bilowga sannad-dugsiyeedka. Baaritaanka caafimaadku wuxuu ka caawinayaa carruurta inay waxbarashada ku bilaabaan caafimaad, firfircooni iyo kalsooni.

👁️ Aragga
🦷 Caafimaadka ilkaha
🩺 Baaritaanka guud
📏 Miisaanka & dhererka
❤️ Qiimeynta caafimaadka guud

Ilmo caafimaad qaba = Ilmo si wanaagsan wax u barta.

Hodan Hospital

21/08/2026

Bukaanada da’da weyn iyo bukaannada u baahan qalliinnada, Qaybta Suuxdinta Hodan Hospital waxay u suuragelinaysaa inay helaan suuxdin casri ah, ammaan ah, oo si taxaddar leh loo maareeyo, si qalliinku ugu dhaco raaxo iyo xanuun la’aan.


20/08/2026

Hooyo Fadumo, oo muddo dheer ku noolayd qurbaha, waxay dib u heshay awooddii socodka kadib qalliin lagu beddelay jilibkeeda oo si guul leh loogu sameeyay Hodan Hospital.

Daawo muuqaalkaan oo ka warramaya safarkeeda caafimaad iyo waayo-aragnimadii ay ku soo martay Hodan Hospital.

Hodan waa Hoyga Kulmiya Haldoorka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Finan-doobka (Acne) waa xaalad maqaarka ah oo si gaar ah ugu badan dhalinyarada, waxaana sababi kara arrimo badan oo isb...
20/08/2026

Finan-doobka (Acne) waa xaalad maqaarka ah oo si gaar ah ugu badan dhalinyarada, waxaana sababi kara arrimo badan oo isbiirsaday. Haddaba, waxaan qabanaynaa wacyigelin caafimaad oo ku saabsan sida looga hortagi karo finanka iyo daaweynta ku habboon. Su’aalaha ku saabsan mawduucan waxaa soo waydiin kartaan Dhakhtarka Maqaarka Isbitaalka.

📩 Soo dir su’aalaha aad qabto si dhaqtarka kaga soo jawaabo:
📧 [email protected]

Ama ku soo qor qaybta faallooyinka (Comments).

17/08/2026

Maxaa dhici kara haddii daawooyinka gaaska muddo dheer la isticmaalo?

Hodan Hospital

16/08/2026

Cudurka la leemada (Parkinson’s) waa cudur ku dhaca hab-dhiska neerfaha, gaar ahaan qayb ka mid ah maskaxda oo muhiim u ah xakameynta dhaqdhaqaaqa jirka.

Haddii aad isku aragto calaamadahan, la tasho dhakhtar neerfaha isbitaalka Hodan.

Hodan Hospital

15/08/2026

Sidee lagu ogaan karaa bakteeriyada H. pylori jirteena ku jirta?


Agaasimaha Guud Isbitaalka Hodan Dr Mohamed Isxaq isagoo ku hadlaya magaca Maamulka iyo dhammaan howl-wadeennada Isbitaa...
15/08/2026

Agaasimaha Guud Isbitaalka Hodan Dr Mohamed Isxaq isagoo ku hadlaya magaca Maamulka iyo dhammaan howl-wadeennada Isbitaalka Hodan, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardayda ku guuleysatay Imtixaanka Shahaadiga ah Dugsiga Sare ee dalka, sanad-dugsiyeedka 2025/2026.

Si gaar ah, wuxuu hambalyo u diray saddexda arday kaalmaha ugu sarreeya ka galay Imtixaanka Qaranka Dugsiyada Sare, isagoo ku ammaanay dadaalkooda, kartidooda iyo guusha ay gaareen.

Maamulka iyo howl-wadeennada Isbitaalka Hodan waxay ardayda u rajeynayaan mustaqbal waxbarasho oo ifaya iyo guulo waaweyn oo ay ku gaaraan heerarka jaamacadeed iyo noloshooda mustaqbalka.

Hambalyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed! 🎓🇸🇴

Address

Abdiqasim Road, Hodan District
Mogadishu
BN0000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hodan Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hodan Hospital:

Shortcuts

Share