SNU Medical Students' Association

SNU Medical Students' Association The official Somali National University Medical Students' Association page. SNUMSA empower

*Golaha Xukuumadda SNUMSA oo Qabtay Kulankoodii Toddobaadlaha Ahaa*Maanta waxaa si rasmi ah u qabsoomay kulankii toddoba...
31/05/2026

*Golaha Xukuumadda SNUMSA oo Qabtay Kulankoodii Toddobaadlaha Ahaa*

Maanta waxaa si rasmi ah u qabsoomay kulankii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Xukuumadda SNUMSA, kaas oo lagu falanqeeyay arrimo muhiim u ah horumarinta Midowga iyo dardargelinta howlaha mudnaanta leh ee horyaalla.

Kulanka ayaa lagu dhageystay warbixinno ay xubnaha Golaha ka soo gudbiyeen howlihii ay soo qabteen muddadii la soo dhaafay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray qorshayaasha socda, waxqabadka waaxyaha kala duwan, iyo hawlaha mudnaanta u leh Midowga ee u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo.

Sidoo kale, xubnaha Golaha Xukuumadda ayaa is dhaafsaday fikrado iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo doorka Midowga, kor loogu qaadayo adeegyada uu siiyo ardayda Kuliyadda Caafimaadka, isla markaana lagu hormarinayo wada shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo gudashada waajibaadka saaran masuuliyiinta Midowga.

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha SNUMSA, Siciid Maxamed Yuusuf , waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka iyo xubnaha Golaha Xukuumadda SNUMSA.

Gebagebadii kulanka, Golaha Xukuumaddu waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda shaqada hufan iyo hirgelinta qorshayaasha lagu gaarsiinayo Midowga heerar sare oo horumar iyo waxqabad ah, si ay uga faaโ€™iideystaan dhammaan ardayda Kuliyadda Caafimaadka.

*SNUMSA*
*Midnimo โ€ข Hoggaan โ€ข Horumar*

Ciidul Adxaa Mubaarak!Midowga  Ardayda Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Umadda Soomaliyeed[ SNUMSA] ,wuxuu hambalyo i...
26/05/2026

Ciidul Adxaa Mubaarak!

Midowga Ardayda Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Umadda Soomaliyeed[ SNUMSA] ,wuxuu hambalyo iyo bogaadin ku aaddan Munasabaddda Ciida dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda caafimaadka.
Ilaahay ha naga aqbalo acmaasha wanaagsan, hana inagu gaarsiiyo ciidan ciideeda kale caafimaad, nabad qab, barwaaqo iyo midnimo

Ciid wanaagsan dhammaan Umadda Soomaaliyeed. ๐Ÿช๐Ÿค

26/05/2026

DHIIKARKU waa cudur khatar ah oo si tartiib ah u saameeya jirka, waxaana loo yaqaan โ€œDilaaga Aamusanโ€ sababtoo ah marar badan calaamado muuqda ma laha.

โš ๏ธ Calaamadaha Dhiig Karka
๐Ÿ”น Madax xanuun
๐Ÿ”น Dawakh iyo wareer
๐Ÿ”น Wadno garaac degdeg ah
๐Ÿ”น Daal badan
๐Ÿ”น Aragga oo daciifa

๐Ÿšซ Waxyaabaha Kordhiya Halista
โŒ Cusbo badan
โŒ Sigaar cabid
โŒ Jimicsi laโ€™aan
โŒ Cayil
โŒ Walbahaar badan
โŒ Cuntooyinka dufanka leh

๐Ÿ’” Dhibaatooyinka Uu Keeni Karo waxaa ka mida :
โš ๏ธ Stroke
โš ๏ธ Wadne xanuun
โš ๏ธ Kelyaha oo dhaawacma
โš ๏ธ Aragga oo luma
โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”
โœ… Sida Looga Hortago cudurkaan Dilaagaa:
โœ”๏ธ Cun cunto caafimaad leh
โœ”๏ธ Yaree isticmaalka cusbada
โœ”๏ธ Samee jimicsi joogto ah
โœ”๏ธ Cab biyo kugu filan
โœ”๏ธ Iska ilaali sigaarka iyo walbahaarka
โœ”๏ธ Si joogto ah u cabbir dhiig karkaaga
โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”
โค๏ธ FARIIN MUHIIM AH
โ€œHubi dhiig karkaaga maanta, si aad u badbaadiso caafimaadkaaga berri.โ€

๐ŸŒ Caafimaadku Waa Hanti
Ka Hortag Dhiig Karka โ€” Noloshaada Ilaali!

25/05/2026

๐Ÿฅโœจ Tallaabo Cusub oo Lagu Horumarinayo Adeegyada Ardayda Caafimaadka .

Maanta waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray Sanduuqa Daawada ee Midowga Ardayda Kuliyadda Caafimaadka (SNUMSA), munaasabad ay goob joog ka ahaayeen maamulka kuliyadda, Deanka Kuliyadda Caafimaadka Dr. Najiib Ciise Diiriye, iyo ardayda kuliyadda.

Sanduuqan daawada ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo adeegyada caafimaad iyo gurmadka degdegga ah ee ardayda, si loo abuuro jawi waxbarasho oo leh daryeel, badbaado, iyo isku duubni.

Midowga SNUMSA waxa uu si gaar ah ugu mahadcelinayaa maamulka Kuliyadda Caafimaadka garab istaagga joogtada ah, dhiirrigelinta ardayda, iyo taageerada ay u muujiyaan horumar kasta oo faaโ€™iido u leh ardeyda kuliyadda. Taasi waxay muujinaysaa wada shaqeyn iyo hiigsi mideysan oo lagu dhisayo jiil caafimaad oo tayo leh.

๐Ÿค Midnimo, Adeeg iyo Horumar.

ISU DIYAARINTA KOOBKA KULLIYADAHA โœจMidowga ardayda  kulliyada cafimaadka ee SNUMSA wuxuu si rasmi ah u bilaabay isu diya...
24/05/2026

ISU DIYAARINTA KOOBKA KULLIYADAHA โœจ

Midowga ardayda kulliyada cafimaadka ee SNUMSA wuxuu si rasmi ah u bilaabay isu diyaarinta tartanka koobka kulliyadaha, oo ah munaasabad mideynaysa hibada, tartanka wanaagsan, iyo wadajirka ardayda Jaamacadda.

Tartankan wuxuu fursad u yahay ardayda inay muujiyaan kartidooda, dadaalkooda, iyo ciyaarwanaag. Waxaana rajaynayna in jawi ay ku dheehan tahay xamaasad, is ixtiraam uu noogu bilowdo nooguna dhamaado.

๐Ÿ† Guushu waxay raacdaa dadaalka iyo wadajirka.

MAANTAY 20 MAY 2026,waxaa inoo Qabsoomey Olole Nadaafadeed iyo Geed Qaadis Balaaran oo aan ku Samaynay Dhismaha Kulliyad...
20/05/2026

MAANTAY 20 MAY 2026,

waxaa inoo Qabsoomey Olole Nadaafadeed iyo Geed Qaadis Balaaran oo aan ku Samaynay Dhismaha Kulliyada,
Runtii waxaa qayb lixaad leh ka Qaatey Ardeyda qaybe heeda kala Duwan iyo dhamaan Maamulka oo Isku Duuban.

" Nadaafaddu waa Nolosheena Oo Idil ""

20/05/2026

MAANTAY 20 MAY 2026,
waxaa inoo Qabsoomey Olole Nadaafadeed iyo Geed Qaadis Balaaran oo aan ku Samaynay Dhismaha Kulliyada,
Runtii waxaa qayb lixaad leh ka Qaatey Ardeyda qaybe heeda kala Duwan iyo dhamaan Maamulka oo Isku Duuban.

" Nadaafaddu waa Nolosheena Oo Idil ""

Hambalyo iyo Bogaadin Ayaan U dirayna Bah wadaagteena Kulliyadda Health Science. Aisha Mohamed AnshuurOo Ladoortay Gudoo...
20/05/2026

Hambalyo iyo Bogaadin Ayaan U dirayna Bah wadaagteena Kulliyadda Health Science.
Aisha Mohamed Anshuur
Oo Ladoortay Gudoomiyaha Midowga Ardeyda ee Kulliyadda Health Science

Waxaan rajeynaynaa in Gudoomiyaha cusub in ay hormuud u noqon doonto horumar, midnimo iyo wada shaqeyn wanaagsan . Allah waxaan uga baryeynaa inuu waafajiyo masuuliyadda cusub, Hambalyo iyo bogaadin mar kale ayaan idiin direynaa dhamaan Ardeyda Kulliyadda Health Science.

DHAMMAAD

๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐˜‚๐—น๐˜๐˜† ๐—ผ๐—ณ ๐— ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฐ๐—ถ๐—ป๐—ฒ & ๐—ฆ๐˜‚๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—ฟ๐˜†, ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—ก๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—น ๐—จ๐—ป๐—ถ๐˜ƒ๐—ฒ๐—ฟ๐˜€๐—ถ๐˜๐˜† ๐—”๐—น๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ตWaxaa si qurux badan inoogu qabsoomay Madasha Ma...
19/05/2026

๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐˜‚๐—น๐˜๐˜† ๐—ผ๐—ณ ๐— ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฐ๐—ถ๐—ป๐—ฒ & ๐—ฆ๐˜‚๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—ฟ๐˜†, ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—ก๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—น ๐—จ๐—ป๐—ถ๐˜ƒ๐—ฒ๐—ฟ๐˜€๐—ถ๐˜๐˜†

๐—”๐—น๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ต

Waxaa si qurux badan inoogu qabsoomay Madasha Maamulka iyo Ardayda Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed taasi oo si heer sare ah ay usoo agaasimeen Midowga Ardayda Kulliyada Caafimaadka iyo Maamulka Kulliyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Aad ayay u mahadsanyihiin masuuliyiinta kasoo qeyb gashay kullanka iyo marti sharaftii kale Ee qiimaha Badaneyd.

๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ž๐˜‚๐—น๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎKulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliye...
18/05/2026

๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ž๐˜‚๐—น๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ

Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay qabanqaabinaysaa kulan muhiim ah oo ay ka qeyb geli doonaan maamulka, ardayda, iyo marti sharaf kala duwan, si loo xoojiyo wada-shaqeynta, isfahamka, iyo horumarinta waxbarashada caafimaadka.

Madashan waxaa Xooga lagu saari doontaa wacyigelinta ardayda, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha, iyo dhiirrigelinta doorka ardayda ee horumarinta kulliyadda.

๐Ÿ“ Goobta: Masraxa Shariif Saalax, KM4
๐Ÿ—“ Taariikhda: Isniin, 18 May
โฐ Waqtiga: 3:00 PM

Dhammaan ardayda kulliyadda waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay kasoo qeyb galaan.

Address

Ventiuno Street, 252 Mogadishu
Mogadishu

Telephone

+252619132831

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SNU Medical Students' Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SNU Medical Students' Association:

Share