06/11/2026
إنا لله وإنا إليه راجعون
Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa walaalkayga Sheekh Cabdi Xayi, iyo dhammaan qoyska, ehelka iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Muna Sheekh Cabdi Xayi, oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho xilli ay umul ahayd.
Marxuumaddu waxay ifka uga tagtay laba carruur ah. Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu u dambi dhaafo, qabrigeedana u waasiciyo, kana waraabiyo naxariistiisa, uguna deeqo Jannatul Firdowsa. Sidoo kale waxaan Alle ka baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay.
Alle ha u naxariisto, Aamiin.